Alshabaab oo xalay weeraray xarrunta maamulka gobolka Bari ee Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo xalay weeraray xarrunta maamulka gobolka Bari ee Boosaaso

Mareeg.com: Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xarrunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso.

Dadka ku nool Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay iney xalay maqleen rasaas iyo qaraxyo ka dhacay xarrunta gobolka Bari.

Xoogaga weerarka qaaday, ayaa waxay iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Ilaalada ee Xarunta Maamulka Gobolka Bari, iyadoo halkaasi laga maqlaayay hubka noocyadiisa kala gedisan.

Alshabaab ayaa sheegtay weeraraas xalay ka dhacay Boosaaso, sidaas waxaa baahiyey Radiyowga ururkaas ee Alandalus.

Habeenkii 26-kii bishii hore Febaraayo ayaa dabley ku hubeysan qoryo, bastoolado iyo bambaanooyin waxey weerar ku qaaday guriga gudoomiyaha gobolka Bari, C/samad Maxamed Gallan ee magaalada Boosaaso. Weerarkaas waxaa lagu dilay mid ka mid ah ilaalada gudoomiyaha.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!