Alshabaab Oo Xalay Weerar Toos Iyo Hoobiyaal Isugu Daray Magaalada Baydhabo

Read Time:40 Second

Baydhabo, Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ayaa xalay weeraro ka geystay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay, iyadoo magaaladaas uu ka socdo shir maamul lagu dhisayo.

Xalay fiidkii ayaa bam lagu weeraray mid ka mid ah gudoomiyaasha xaafadaha degamada Baydhabo, lamana sheegin wax khasaaro ah oo bamkaasi sababay.

Xalay saqdii dhex ayaa Aslahabaab weerar toos ah ku qaadeen dhowr ka mid xaafadaha magaalada Baydhabo, iyadoo rasaastu socotay ku dhawaad nus saac, waxaase sida dadka degaanku sheegayaan iska difaacay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Markii dagaalkaas joogsaday ayay mar kale Alshabaab hoobiyaal ku tuureen xarrunta madaxtooyada Baydhabo iyo garoonka diyaaradaha, lamana oga wax khasaare ah oo madaafiicdaasi geysteen.

Alshabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalooyinka horay looga saaray oo ay difaacyo adag ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Afrika.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %