Alshabaab oo xalay weerar ku qaaday Buulo Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo xalay weerar ku qaaday Buulo Barde

Mareeg.com: Alshabaab ayaa xalay weerar ku qaadday degmada Buulo-barde ee gobolka Hiraan, halkaasoo ay maamulaan ciidamada Soomaaliya iyo ciidamada ka socda AMISOM, gaar ahaan kuwa Hiil Walaal ee Jabuuti.

Lix qof ayaa inta la ogyahay ku dhimatay dad kale oo badanna way ku dhaawacmeen dagaalkaas Al-Shabaab ku qaadday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burte, Axmed Cabdi Weheliye ayaa xaqiijiyay inuu dagaalka ka dhacay koontaroolkii hore ee degmada iyo fariisin ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin dhinaca Galbeed ee Buulo-barde. Dagaalka wuxuu socday ilaa saakay waaberigii.

Axmed Cabdi Weheliye wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay isaga baxeen degmada, kaddib markii la iska caabbiyay, wuxuuna xusay in dadka ay dileen uu ku jiro ninkii hoggaaminayay weerarka. Wuxuu tilmaamay in ay xaaladda degmada maanta deggan tahay, ganacsiguna uu shaqeynayo.

Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa idaacadda Akshabaab ee Andalus u sheegay in dagaalkii xalay Buula Barde ka dhacay lagu dilay ku dhawaad 10 Askari Jabuutiyaan ah.

“Ciidanka mujaahidiinta dagaal xalay ka dhacay Buula Barde ee wilaayada Hiiraan waxay ku dileen 9 askari oo Maleeshiyaadka Jabuuti ah iyo Soomaalida” ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa qirtay in dagaalka looga dilay 5 askari, wuxuuna yiri “Dhanka Mujaahidiinta dagaalkii Xalay Buula Barde ka dhacay 5 Mujaahid ayaa uga shahiiday” ayuu sidoo kale yiri Abuu Muscab.

Alshabaab ayaa go’doon saaray degmada Buulo Barde, waxeyna mararka qaar ku qaadaan dagaallo toos ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!