Alshabaab oo xalay saacado gacanta ku hayey degmada Wanlaweyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo xalay saacado gacanta ku hayey degmada Wanlaweyn

Mareeg.com: Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaasi oo ay la wareegeen saldhigga magaalada iyaga oo aan wax iska cabin ah la kulmin.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen ragga weerarka soo qaaday oo in muddo ah qaadayay takbiirta, ka hor inta aysan halkaasi isaga bixin.

Ciidamo fara badan oo isugu jira AMISOM iyo Milateriga ayaa saakay gaaray degmada, kuwaasoo ka kala tagay garoonka Balli-doogle iyo Leego.

 

Guddoomiyaha gobolkaasi Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Siidii ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxa uuna ku eedeeyay Al-Shabaab in ay halkaasi bililiqo ka gaysteen inkastoo aysan jiri warar madax bannaan oo arrintaasi xaqiijinaya.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dableydaasi weerarka qaaday ay ahaayeen kuwo ka soo cararay qaybo ka mid ah gobolka oo ay u sii socdeen dhanka gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dableydaasi ka tirsan Al-Shabaab oo aad u hubaysnaa ay saldhigga ku dileen hal nin ayna qorigi ka qaateen.

Waxa ay intaasi ku darayaan in dableysdaasi ay horey u sii kaxaysteen labo baabuur oo mid ka mid ah uu leeyahay guddoomiyaha degmada Wanlaweyn oo ay gurigiisa ka kaxasyteen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!