Alshabaab oo weli askareynaya dhallinyarada Kenya

Mareeg.com: Alshabaab ayaa weli si laxaad leh ciidan qorasho uga wada gudaha dalka Kenya, sida ay sheegtay BBC oo arrintaas baartay.

Iyadoo Kenya ay bilowday dhismaha derbi ay ku dhiseyso xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto taas oo ay ugu talagashay inay uga hortagto weerarada Al-shabaab, ayaa hadana xog cusub waxey muujineysaa in Al-shabaab ay gudaha Kenya qortaan dagaal yahaniin.

Magaalada Isiolo, inkabadan 20 dhallinyaro ah ayaa lagu wartramayaa in la waayay, waxaana la ogaaday markii dambe iney waalidkooda soo weceen ayna u sheegeen inay ku biireen Al-shabaab.

Laba isbuuc ka hor, ku dhowaad boqol iyo konton qof ayaa lagu dilay weerar ay jaamacadda Garissa ay ku qaadeen Al-shabaab. Mid kamid ah dadkii weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu Kenyan yahay.

Arrintaasi ayaa loo arkay in Kenya uu haysto dhibaato gudaha ah, taas oo la sheegayo inay bilaabatay kaddib markii ciidamada Kenya ay Soomaaliya galeen.

Ururka Al-shabaab ayaa weli ka hanjabaya in weeraro kale ay ku qaadayaan Kenya.

Maalin ka hora wasiirka Amniga gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa 10 maalmood u qabtay dhalinyada Kenyanka ah ee ku jira Alshabaab iney dalkooda dib ugu laabtaan lana cain doono.

Wasiirka ayaa ku hanjabaya in qofkii ka faa’iideysan waaya cafiska 10-ka maalmood ah loo aqoonsan doono dambiile.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245