Alshabaab oo weeraro ku qaaday mucaawino loo weday Buulo Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo weeraro ku qaaday mucaawino loo weday Buulo Barde

Mareeg.com: Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan oo halkaas ka galbiyey kolnoyo gaadiid ah oo mucaawino siday ayaa dhowr goobood dagaal kula galay xarakada Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay jidka isku xira Baledweyne iyo Buulo Barde, gaar ahaan Garisyaani iyo deegaano kale, waxaana mucaawinada loo weday degmada Buulo Barde, halkaasoo go’doomin Shabaab saareen sababtay in dadka halkaas ku nool dhibaato xoog leh qabsato.

Ciidamada oo galbinaya gadiid xamuul ah oo sidda raashin ka badan 200 oo tan oo uu ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa dagaal ku qabsaday deeganno u dhaxeeya tuulooyinka Nuur-Fanax iyo Garasiyaan oo qiyaastii 45km dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in mucaawinada ay si nabad ah ku soo gudubtay, haatana ay ku sugan yihiin deegaanka Beera-yabaal oo u dhow Buulo Burde, waxaana la filayaa in goor dhow gudaha u galaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo qeyb ka ah socdaalka ciidamada ka ruqaansaday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in howlgalkan uu ka mid yahay gulufka dagaallka ee ka soconaya guud ahaanba gobollada dalka.

Afrax ayaa sidoo kale sheegay iney gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaateysan deegaannada ay go’doomiiyeen Al-shabaab.

Alshabaab ayaa dhankooda sheegay inuu manta jidka u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulo Barde uu ka dhacay dagaal lagu hoobtay, waxeyna sheegeen in tobanaan qof oo labada dhinac ah ku dhinteen dagaalkii manta.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!