Alshabaab oo oo sheegay iney weerareen rag isbaaro u taallay deegaanka Jaziira

Read Time:32 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegtay iney weerar qorsheysan ku qaadeen rag isbaaro u taallay deegaanka Jaziira ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal u hadlay Alshabaab oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay iney weerar ku qaadeen goob ay isbaaro dhigteen koox Mooryaan ah, islamarkaana ay ka dileen 3, sidoo kalana ay dhaawaceen 4 kale.

Sidoo kale, waxey Alshabaab sheegteen iney halkaas ka qaateen dhowr qori gacmeed oo ay wateen raga isbaaradu u taallay deegaanka ay ku qaadeen weerarka gaadamada ah.

Deegaanka Jaziira ayaa waxaa meel ka mid ah taalla isbaaro gaadiidka halkaas mara looga qaado lacago, waxaana la sheegaa in ibaaradaas hoostagto maamulka degmada Wadajir.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.