Alshabaab oo weerar ku qaaday gudoomiyaha degmada Mandera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo weerar ku qaaday gudoomiyaha degmada Mandera

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Mandera ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in kolonyo baabuur ah oo uu la socday guddoomiyaha degaanka Mandhera, Cali Roba, la weeraray.

Waxaa uu weerarka ka dhacay meel u dhaw degmada Carabiya, halkaasoo bishii November ee sanadkii hore Alshabaab ku dileen ilaa 28 ruux oo ahaa shaqaale ka tegay Madera, kuna sii jeeday Nairiobi.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay afar askeri ku dileen weerarkaasi.

Gudoomiyaha degmada Mandera Cali Roba oo markii la weerarayey kja tegay Mandera, kuna sii jeeday Ceel-waaq ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarkaasi.

Ragga weerarka ku qaaday kolonyada gudoomiyaha ayaa gubay 2 ka mid ah gaadiidkii galbinayey, iyagoo sidoo kale qaatay gaari kale.

Booliska Kenya ayaa sheegay iney raagjogaan kooxdaas weerarka la beegsatay gudoomiyaha ee weliba qaatay mid ka mid ah gaadiidkii uu watay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!