Alshabaab oo weerar ku qaaday deegaan laga dejiyo qaadka la geeyo Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo weerar ku qaaday deegaan laga dejiyo qaadka la geeyo Kismaayo

Mareeg.com: Labo qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib dagaal maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Labo-mirood oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa dhexmaraya ciidamada amaamulka  KMG ah ee Jubba iyo Al-Shabaab oo halkaas ku qaaday weerar gaadmo ah.

Deegaanka Labo-mirood wuxuu 14 km dhinaca koonfur uga beegan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana halkaas laga dejiyaa qaadka laga keeno Kenya.

Taliyaha ciidanka booliska Kismaayo, Col. Gaboobe Xasan Barre ayaa sheegay in labada qof ee dhimatay iyo labo ka tirsan saddexda dhaawaca ah ay ahaayeen askar ka tirsan booliska maamulka KMG ah ee Jubba, qofka kale ee dhaawaca ahna wuxuu xusay inuu yahay rayid.

Col. Gagoobe ayaa tilmaamay inuu hadda deegaankaas ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab waddada u gashay gaadiid qaad u waday magaalada Kismaayo sida uu xaqiijiyay taliyaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!