Alshabaab oo weerar khasaare geystay ku qaaday xero milaterigu ku lahaa Warmaxan

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig milateri oo ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Warmaxan.

Warmaxan, oo u dhaxaysa degmada Afgooye iyo Walawayn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa toban askari lagu dilay weerarka oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada.

Alshabaab ayaa dhankooda warar ka qoray dagaalkaas, waxey sheegeen iney dileen 14 askari, islamarkaana gubeen 3 gaari oo nuuca dagaalka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarkaas la sheegay inuu khasaare badan u geystay milateriga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan lagu oqooni taxadar xagga is difaaca ah, waxaana inta badan Alshabaab la beegsadaan weeraro gaadmo ah xilliyada ay kala daadsanyihiin.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245