Alshabaab Oo U Hanjabay Iskuullada Ay Dib U Furtay Dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo U Hanjabay Iskuullada Ay Dib U Furtay Dowladda Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab ayaa ku hanjabay iney beegsan doonaan Iskuullada ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo dhanka kalana shirkadaha uga digay iney la macaamilaan dowladda.

Hadalkaan waxaa jeediyey ninka Alshabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir, hase ahaatee aan la ogeyn deegaanka uu ku sugan yahay Cali Maxamed Xussen oo Alshabaab ugu yeeraan Cali Jabal.

Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta Alshabaab ayaa uga digay shirkadaha ganacsiga iney la macaamilaan dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in Alshabaab arrintaas u arkaan diin ka bax sida uu yiri.

Hanjabaadda Alshabaab u jeediyeen shirkadaha ayaa kusoo beegmeysa xilli xarakadaas qaar ka mid ah gobollada dalka ka hakisay adeega Isgaarsiinta ee qaar ka mid ah shirkadaha dalka.

Wuxuu dhanka Cali Jabal ka hadlay Iskuullada ay dib u howlgelisay dowladda Soomaaliya ee hoos yimaadda wasaaradda waxbarashada, wuxuuna waalidiinta ujeediyey iney carrurtooda kala baxaan Iskuulladaas.

“Waxaa jira Iskuulo carruurta lagu gaaleysiinayo oo laga furay Muqdisho, waalidiinta waxaan leehay hadda carruurtiina gacmaha ka qabsada oo iskuulladaas kala baxa, Mujaahidiintu ma ogolaan doonaan Iskuullo ay fureen dad diinta ka baxay” ayuu yiri Cali Jabal oo la hadlay warbaahinta Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore Muqdisho ka hirgelisay Mashruuc loogu magacdaray “Aada Dugsiyada”, kaasoo waxbarasho loogu fidinayo boqolaal kun oo Caruur Soomaaliyeed ah.

Waa hanjabaaddii ugu horreysay ee Alshabaab u jeediyaan goobaha waxbarashada ee taabacsan dowladda Soomaaliya, kuwaaso hadda ku howlgala dhowr ka mid ah dugsiyadii dowladda Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!