Alshabaab oo u hanjabay gudoomiyaashii xilka laga qaaday ee G/banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo u hanjabay gudoomiyaashii xilka laga qaaday ee G/banaadir

Muqdisho – Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegatay qarax shalay lagu dilay Xoghayihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Cabdi-kaafi Hilowle Cusmaan, kaasoo shalay lagu dilaya agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka Shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaano “Cali Jabal” ayaa sheegay in Alshabaab fuliyeen weerarkaas.

“Mujaahidiinta ayaa khaarijiyay Cabdi Kaafi Hilowle, xildhibaan kalane si dirqi ah ayuu ku fakaday” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan Alshabaab, Cali Jabal.

Cali Jabal ayaa ku goodiyay inay bartilmaamedsan doonaan cid waliba oo sida uu yiri dhibaateysa shacabka reer Muqdisho.

Wuxuu Cali Jabal dhanka kale ku guudiyey in Alshabaab beegsanayaan xubnaha baarlamaanka iyo gudoomiyaashii hore ee xilalka laga qaaday ee gobolka Banaadir.

“Kuwii dadka gadan jiray ee xilalka laga qaaday ee meelaha taagtaagan waan beegsan doonaa, mana la iloobin doono wixii aad sameyseen” ayuu sidoo kale yiri Cali Jabal.

Labo qarax ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, mid ka mid ah waxaa lagu dilay xoghaiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Cabdi-kaafi Hilole Cusmaan iyo ilaalo la socotay, halka qaraxa kale uu ka badbaaday xildhibaan lahaa gaariga qarxay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!