Alshabaab oo soo bandhigay muuqaalo tusaya iney awood ku leeyihii gudaha Kenya (Sawirro)

Read Time:40 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa baahisay filim maqal iyo muuqaal ah, kaasoo ay uga hadlayaan weerarii ay sanadkii hore ee 2014 ku qaadeen deegaanka Mpeketoni ee ka tirsan deegaanka Lamu ee gobolka Xeebta Kenya.

Filimka waxaa ka muuqanaya rag ka tirsan Alshabaab oo dhex lugeynaya qeybo ka mid ah dalka Kenya, iyo iyagoo weeraraya magaalada yar ee Mpeketoni, dadna dilaya.

Waxaa sidoo kale Video-ga ka muuqanaya Sheekh Aboud Rogo oo ahaa wadaad ka tirsan culimada Muslimiinta Kenya, balse lagu dilay magalada Mombasa.

Sheekh Abouda Rogo ayaa la rumeysan yahay inuu mar Soomaaliya yimid, hase ahaatee uu ka laabtay kadib markii ay iskhilaafeen rag ka tidan hogaanka Alshabaab.

Weerarada deegaanka Mpeketoni oo lagu dilay dad gaaraya lixdan qof ayaa kii ugu xumaa oo dadka ugu badan lagu laayey wuxuu dhacay 16, June, 2014.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.