Alshabaab oo sii wada qarxinta Leyrarka cadceeda ku shaqeeya & maamulka Banaadir oo ku fashilan

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa weli wada qarxinta baalayaasha ay ku xiran yihiin leyrarka ku shaqeeya cadceedda, waxeyna saaka qarxiyeen baalle ku yaalla kazoo horjeedka Isbitaalka Xooga ee degmada Hodon ee Muqdisho.

Qarax weyn oo saaka salaadii subax kadib laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa noqday mid lala eegtay baalle uu ku xirnaa nal eleyska ku shaqeeya.

Ma jiro wax khasaare ah oo dadka kazoo gaaray qaraxaas, maadaama dadka socda xilligaas ay aad u yaraayeen, waxaase dhulka dhacay baallaha, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey goobjooge.

Alshabaab ayaa baallayaasha nucaas ugu magaca daray “Laafo Gaalo”, waxeyna qarxiyeen tobonaan ka mid ah, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu ku fashilmay inuu soo badelo kuwii la qarxiyey.

Maamulka gobolka Banaadir oo markii hore ilaalin waayey baalayaasha oo inta badan la qarxiyo waqtiga salaadda subax ayaa hadana aan isku mashquulin iney soo badelaan baalayaasha Alshabaab qarxiyaan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.