Alshabaab oo sii daayey labo maxbuus oo askar Kenyan ah

Nairobi- Mareeg.com: Booliska Kenya ayaa sheegay in laba askari oo ay afduubteen ururuka Al-Shabaab, in ka badan laba sano ka hor la soo daayay.

Taliyaha Booliska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa sheegay in labada askari lagala gudbay soohdinta dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya, iyagoo marar badana la geeyay xeryo kala duwan oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Ma uusan sheegin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabka loo soo sii daayay, balse waxa uu sheegay keliya, in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Dhanka Alshabaab, Afhayeen u hadlay ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta ku hadasha Afkooda in labadan Askari ay gacantooda ku jireen muddo laba sano, Islamarkaana ay ku qanceen diinta Islaamka.

Waxaa la aamisan yahay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay sii deyso Maxaabiis Kenyan ah oo ay sheegtay in ay qaateen diinta Islaamka.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245