Alshabaab Oo Shirkadaha Isgaarsiinta Ku Amray Iney Joojiyaan Adeega Mobile Internet Iyo Fiber Optic * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo Shirkadaha Isgaarsiinta Ku Amray Iney Joojiyaan Adeega Mobile Internet Iyo Fiber Optic

Muqdisho, Mareeg.com: Al-shabaab ayaa soo saaray go’aan gebi ahaanba ay shirkadaha Isgaarsiinta ugu mamnuucayaan adeegyada Mobile Internet iyo Fibre Optic oo ah adeegyo si fudud bulshadu ku heli karaan Internet qiimo jaban.

Bayaan kazoo baxay Alshabaab oo lagu baahiyey barahooda warfaafinta ayaa lagu sheegay in AlShabaab ay go’aamisay joojinta Internetka laga isticmaalo taleefoonada gacanta ee loo yaqaano “Mobile Internet” iyo Fibre Optic.

Qodobada bayaanka Alshabaab ayaa u qornaa sidan:

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.
Lama oga saameynta amarka Alshabaab ku yeelan doono shirkadaha bixiya adeega Mobile Internet kuwaasoo kala ah: Hormuud Telecom iyo Somtel, waxaana la ogyahay in Alshabaab maamulaan deegaano badan oo shirkadahani xarumo ku leeyihiin.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!