Alshabaab oo sheegtay weerarka Jaamacada Gaarisa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo sheegtay weerarka Jaamacada Gaarisa

Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar saaka lagu qaaday Jaamacadda magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari, Kenya.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka ururkiisa iney Alshabaab qaadeen weerarka lala beegsaday Jaamcadda Gaarisa.

Alshabaab kamey hadlin faahfaahin intaas ka badan, waxeysa leeyihiin waqti dambe ayaan bixin doonaa warar dheeraad ah.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya Gaarisa ayaa sheegaya in ilaa hadda dhimashadu tahay 4 ruux iyo dhaawac ka badan 30.

In ka badan 27 arday ayaa kasoo baxsaday dhisamaha Jaamcadda, halkaasoo xaalka ka jira aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Wararka ayaa sheegay in weli ay kooxda hubyesan ku jiraan Jaamacadda, gacantana ku hayaan macallimiin, arday iyo dad kale oo Jaamcadda ka shaqeynayey.

Wasiirka Aminiga gudaha Kenya, Joseph Nkaissery iyo taliyaha booliska Kenya, Joseph Boinet ayaa gaaray Gaarisa, waxeyna horkacayaan howlgalka ka dhanka kooxda qabsatay Jaamacadda.

Alshabaab ayaa horay bishii September ee sanadkii 2013, weerar nuucaan ah ku qaaday Suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, waxaana halkaas ku dhintay ilaa 67 ruux.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More