Alshabaab Oo Sheegtay Weeraradii Ismiidaaminta Ahaa Ee Hotel Jazeera Muqdisho

Read Time:34 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii gawaarida loo adegsaday ee xalay lagu weeraray Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Alshabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay Hotelkaas ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Saraakiil iyo Askar oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya.

Xafiiska Warfaafinta ee Alshabaab ma bixinfaahfaahin dheeraad ah, hase yeeshee warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in saacadaha ay socda ay arrintaas ka hadli doonaan afhayeennada ciidamada Alshabaab.

Weeraradii xalay ka dhacay hotelka Jazeera ee Muqdisho waxaa ku geeriyooday ilaa 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 30 sida laga helay ilo kala duwan oo booliska ka mid yahay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.