Alshabaab oo sheegtay iney gacanta ku dhigeen doon sahaay u siday Baraawe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo sheegtay iney gacanta ku dhigeen doon sahaay u siday Baraawe

Mareeg.com: Baraha Internet-ka Alshabaab ayaa lagu baahiyey in ciidamo ka tirsan ururkaas ay gacanta ku dhigeen doon la sheegay iney sahaay u siday ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baraawe.

Inkastoo war rasmi ah uusan kasoo bixin Alshabaab, hadana baraha Internet-ka ee ay leeyihiin lagu qoray in ciidamada badda Alshabaab ay gacanta ku dhigeen dooni ka sharaacatay magaalada Marka oo Maandooriyaha Khaadka iyo raashin u sidday ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ee Baraawe ku sugan.

Ma jiro war intaas ka faahfaahsan oo laga helay doonta la sheegay in Alshabaab ka qabsadeen biyaha badweynta Hindiya ee u dhaxeeya Baraawe iyo Marka.

Alshabaab ayaa ku sugan deegaano aad ugu dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo iyaga horay looga saaray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.