Alshabaab Oo Sheegay Masuul Ka Badbaaday In Ay ku Khaarijiyaan Qarixii Caawa. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo Sheegay Masuul Ka Badbaaday In Ay ku Khaarijiyaan Qarixii Caawa.

Ururka Al-Shabaab  ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama, waxayna sheegeen in bar tilmaameedkoodu ahaa gaadiid uu la socday Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamadii ilaalada u ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow, isla markaana ay ku dileen seddax ka mid ah ilaaladiisa isagiina uu ka badbaaday.

Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay sheegeen  in xilligii uu qaraxu dhacayay ay wadada marayeen labo gaari oo kala ahaa Bullet-proof nuuca aysan xabaddu karin iyo gaari Cabdi Bile ah, iyadoo Xildhibaan Caraboow uu saarnaa gaariga Bullet-proof-ka ah, sidaasna uu khasaaraha ugu badan ku gaaray ilaaladiisa oo saarneed Cabdi-bilaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan qaraxa caawa ka dhacay bartamaha Muqdisho, gaar ahaan wadada sida weyn loo ilaaliyo ee Maka Al-Mukaramah.

Dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askartii ilaalada u eheed xildhibaanka, kasokow waxaa jira khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee iyaguna isticmaalayay wadada xilliga uu qaraxu dhacay, ugu yaraan labo ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay shankalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxa , waxaana ku gubtay gaadiidkii ay wateen dadkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!