Alshabaab Oo Sheegay Iney Xabad Joojin Dhex Dhigeen Beelihii Ku Dagaalamay Shabeellaha Hoose

Read Time:1 Minute, 25 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Al-Shabaab ayaa sheegay iney xabad joojin ka dhex dhigeen beelaha Biimaal iyo Habargidir oo todobaaydadii lasoo dhaafay ku dagaallamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, hase ahaatee dowladda Soomaaliya iyo AMISOM maamulaan.

Gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed “Abuu Cabdalla” ayaa sheegay inay xabad joojin kala dhex dhigeen beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ay shir nabadeed ugu qabateen degmada Buulo Mareer.

Abuu Cabdalla ayaa sheeya sheegay in fara gelin ku sameeyeen dagaal beeleedyadii khasaaraha iyo barakaca u geystay daka ku nool inta uy dhaxeysa Muuri ilaa Janaale, wuxuu xusay in heshiis xabad koojin kala dhex dhigaan labada beelood ee dagaalamayay..

Wuxuu sheegay Abuu Cabadalla iney Buulo Mareer ku shiriyeen odayaal iyo waxgarad kazoo kala jeeda labada beelood ee dagaallamay ikyo beelo kale oo deris la ah.

“Shir dhiig joojin ah oo ka dhacay degmada Buulo Mareer oo ay ka qeybgaleen beelaha dagaalamayay ee Biimaal iyo Habar-gidir iyo odayaal iyo waxgarad ka soo soo jeeda qabaa’ilo kale oo gaarayay boqol xubnood ayaa waxaa labada beelood ay ku heshiiyeen saddex qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen xabad joojin, iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiyay” ayuu yiri Abuu Cabdalla oo la hadlay warbaahinta Alshabaab.

Abuu Cabdalla wuxuu carrabka ku dhuftay in dagaalka ay isaga hor’imaanayaan ciidamo kawada tirsan DF-ka uu saameyn ku yeeshay beelaha gobolka sidaasi daraadeedna ay lagama maarmaan naqatay in Alshabaab farageliyaan xaaladda colaadeed oo xabad joojin dhex dhigaan labada beelood.

Dagaalka Shabeellaha Hoose oo noqday mid soo laalaabtay ayaan weli loo helin xal kama dambeys ah, iyadoo dagaalku dhashay isu qabis dhul, lamina oga saameynta ay yeelan doonto xabad joojinta Alshabaab sheegeen, maadaama meelaha lagu dagaallamay aysan ka talin.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %