Alshabaab oo sheegay iney weerar ku qaadeen gudaha Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo sheegay iney weerar ku qaadeen gudaha Kenya

Xarakada Alshabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegtay iney xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin soohdinta Somalia iyo Kenya.

Sida ay sheegeen Alshabaab, weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Haamey oo qiyaastii 35 KM ujira xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, balse dhaca gudaha Kenya.

Waxey Alshabaab sheegteen iney dileen ilaa 10 ka tirsan ciidanka Kenya, sidoo kalana ay dab qabadsiiyeen intabadan saldhigyadii ciidamada Kenya ee Haamey.

Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in markii weerarkaasi dhacay ay dowladda Kenya jartay isgaarsiinta deegaanka islamarkaana ciidamo dheeri ah ay kusoo xoojisay deegaanka Haamey.

Weli dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin weerarka Alshabaab sheegteen iney ku qaadeen deegaanka Haamey ee ka tirsan Woqooyi Bari Kenya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!