Alshabaab oo sheegay iney kusii siqayaan magaalooyinka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo sheegay iney kusii siqayaan magaalooyinka Puntland

Mareeg.com: Alshabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal-yahanno hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay doonyo ku tegayey deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, iyagoo ka tegay koonfurta Soomaaliya.

Warbaahinta Alshabaab ayaa maanta markii ugu horreysay qortay in ciidan ka tirsan iyaga ay dagaal kula jiraan maamulka Puntland, islamarkaana aya kusii dhowyihiin sida ay hadalka u dhigeen qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Alshabaab ayaa sheegay iney dagaal kula jiran maanta ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan gobolka Nugaal.

Sida uu sheegay maamulka Puntland, saaka ayaa waxaa dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidamadooda uu ka qarxay deegaanka Suuj ee u dhaxaysa Eyl iyo Bandar Bayla.

Raggan ka tirsan Alshabaab ee ka dagaallamaya deegaanka Suuji ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay doonyo ku tegay deegaanka Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug, waxey halkaas uga baxeen socdaalka lug ah, iyagoo la sheegay iney kusii jeedaan buurralleyda Galgala, halkaasoo ay horay u joogeen Alshabaab.

Wasiirka warfaainta Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde  ayaa warbaahinta u sheegay in 72ka saacadooda ee soo socda Puntand soo afjari doonto dagaalka ay kula jirta kooxda kusoo duushay deegaanada xeebaha ah ee Puntland.

Soocadde

Warar badan lagama hayo dagaalka ka socda deegaanka Suuji ee gobolka Nugaal, waxaana maamulka Puntland sheegay inuu guul ka gaaray dagaalka, halka Alshabaabna sheegayaan iney dhawaan soo gudbin doonaan faahfaahin ku saabsan dagaalkaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!