Alshabaab oo sheegay in diyaarad aan duuliye laheyn ku dhacday Baay

Read Time:28 Second

Diinsoor – Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegay in diyaarad ah nuuc aan duuliyaha laheyn ay ku dhacday deegaanka Iidaale oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Alshabaab ayaa sheegay in diyaaradda oo loo malaynayo in ay leedahay dowladda Mareykanka ay dhulka kusoo dhacday iyadoo bad qabta, islamarkaana ay gacanta ku dhigay ciidamo Alshabaab ah.

Diyaaradda ayay Alshabaab sheegeen iney tahay nuuca wax basaasa ay ku rakibanyihiin qalabka wax duuba sida kaamirooyin.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa dul heehaaba gobollada Soomaaliya, waxeyna horay u geysteen weeraro lala beegsaday saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.