
Read Time:40 Second
Mareeg.com: Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka ku 36 ruux oo xalay gellinkii dambe lagu laayey meel kaawo ah oo ku dhow magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi fuliyeen guuto ka tisan ururukooda, sababtuna aheyd iney aargudaan dadka Muslimiinta ee horay loo laayay, sida warka loo dhiagy.
AlShabaab waxay sheegtay in howlgalkii Kaawada Mandheera ka dhacay ay fulisay guuto gaar ah oo loogu magac daray “Saalax Al-Nabhaan” oo ahaa sarkaal horay uga tirsanaa Alshabaab balse sanaddii 2009 lagu dilay weerar Mareykanku kula beegsaday gobolka Shabeelaha Hoose.
Waa weerarkii labaad oo muddo bil kar Alshabaab ka geysnayaan Mandheera, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 60 ruux. weerarkii ka horeeyey waxaa la dilay 28 ruux oo lagala degay bas ku socday Nairobi.
Mareeg Media