Alshabaab oo shacabka Galgaduud ku amray iney ka baxaan magaalooyinka haddii laga qabsado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo shacabka Galgaduud ku amray iney ka baxaan magaalooyinka haddii laga qabsado

Muqdisho – Mareeg.com: Dagaalyahannada Alshabaab ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka ku nool magaalooyinka ay maamulaan ku amray iney ka tagaan guryahooda haddii ay magaalooyinka soo gaalaan milateriga Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo la sheegay iney ku wajahan yihiin degmooyinka ka maamusho Galgaduud.

Goobjoogayaal u warramay Mareeg Media ayaa sheegaya in maalmahaan hogaaamiyaasha Alshabaab ee ku sugan degmooyinka gobolkaas qaarkood ay shacabka u jeedinayeen khudbado kulkulul oo lagu amrayo iney magaalooyinka isaga baxaan haddii iyaga halkaas laga saaro.

Qof magaciisa qariyey oo ku sugan mid ka mid ah degmooyinka Galgaduud ayaa shabakaddan u sheegay in sidoo kale lagu amray ineysan waxba ka iibin Karin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee halkaas kusoo fool leh.

Alshabaab ayaa dadka ugu hanjabay in la dilayo qofkii lagu arko magaalooyinka haddii ay qabsadaan ciidamada huwanta ah.

Degmooyinka Alshabaab shacabka ku amreen iney ka baxaan ayaa waxaa ka mid ah: Ceeldheere, Ceelbuur, Gal-hareere, Galcad iyo tuulooyin farabadan oo hoos yimaada degmooyinkaas.

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa waxaa soo wajahay jiha wareer maadaama lagu jiro xilli jiilaal ah, islamarkaana ay adagtahay sida ay uga guuri karaan magaalooyinka, islamarkaana dhul keymo ah ugu noolaan karaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!