Akhri: Dalkee u dhashay Amiirka Shabaabkii Uganda weeraray sanadkii 2010?

Read Time:50 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa Markii ugu horraysay shaacisay magaca ninkii fuliyey weeray sanadkii 2010 ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 70 ruux.

Alshabab ayaa soo bandhigay muuqaalka qofkii fuliyay weerarkii Kampala, kaasoo lagu magacaabo Salmaan Al-muhaajir oo Kenya kasoo jeeda, sidaas waxaa lagu soo bandhigay Filim maqal iyo muuqaal ah oo ay soo saartay mu’asasada warbaahineed ee Alshabaab ee loo yaqaano Al-kata’ib.

Ururuka Alshabaab ayaa sheegay in Salmaan uu hoggaaminayay weerar ay dalka Uganda ku qaadday guutada Saalax Al-Nabhaan bishii July, 2010, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kabadan oo daawaneyey ciyaaraha Kooba Aduunka.

Sidoo kale waxaa filimka kasoo muuqday Saalax Cali Saalax Nabhaan oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab, balse Mareykanku duqeyn diyaaradeed ku dulay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan duleedka degmada Baraawe, sanaddii 2009.

http://wata.cc/up/2015/01/images/w-d1987044d0.jpg
Salmaan Al-Muhaajir oo ah ninkii fuliyay weerarkii Kampala, July, 2010
Embedded image permalink
Muuqaalka Saalax Nabhaan oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsanaa Alshabaab, oo mareykanku dilay sanadkii 2009.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.