Alshabaab oo shaaciyey iney Diinta Islaamka qaateen maxaabiis Kenyan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo shaaciyey iney Diinta Islaamka qaateen maxaabiis Kenyan ah

Baraawe – Mareeg.com: Alshabaab ayaa shaaciyey iney diinta Islaamka qaateen 2 ka mid ah maxaabiis Kenyan ah oo ay gacanta ku hayeen muddo sanad ah.

Islaamidda labadaan nin ayaa shalay salaaddii Jimacaha kadib laga shaaciyey Masjidka Cuthmaan Bin Caffaan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku dukanayeen dad farabadan.

Labadan nin oo sannad ka hor laga soo qabtay gudaha dalka Kenya ayaa ka istaagay Masjikadaas, waxeyna sheegeen iney qaateen diinta Islaamka.

Mid ka mid ah labada nin ayaa hadal ka jeediye masjidka ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu qaato Diinta Islaamka kadib markii akhriyay Kutubbo ku qoran Luqadda Englishka oo ka hadlaya Diinta islaamka, isagoona tilmaamay in raggii gacanta ku hayay ay usoo bandhigeen qaadashada Diinta islaamka, isagana uu sidaas uu aqbalay, kadagaal markii uu ku qancay Diinta Islaamka.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay masjidka labadan nin ka sheegeen iney Islaamka qaateen ayaa sheegay in labadan nin xaq u leeyihiin waxa ay xaqa u leeyihiin Musliimiinta kale, wuxuuna tilmaamay iney aadi karaan meeshii ay doonaan.

“Maanta kadib labadan ruux waa walaalaheen, waxeyna xaq u leeyihiin wax kastoo ruuxa Muslimka ah uu xaq u leeyahay, waxey xor u yihiin inay aadaan meeshay doonaan hadday dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyo haddii dalka ay sii joogi lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Alshabaab ayaa horay intii ay joogeen deegaanka Ceelasha Biyaha soo bandhigay nin Itoobiyaan ah oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Baay iyo Bakool, kaasoo qaatay diintay Islaamka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!