Mareeg.com: Radio-ga Alshabaab ee Andalus ayaa baahiyey warbixin ka hadleysa ragii fuliyey weerarkii ururkaasi Khamiistii ku qaaday xarrunta AMISOM ku leedahay Muqdisho ee Xalane.
Sida muuqata ragga weerarka fuliyey waxey ku jireen khad Taleefoon oo toos ah, kaasoo looga duubayey waxa ay sameynayeen.
Radio Andalus ayaa tirada ragga weerarka fuliyey ku sheeay 4 nin oo kala ah:-
4- Cumar Saciid oo ku magac dheeraa (Salmaan Almuhajir).
Sida Alshabaab sheegeen, 2 ka mid ah ragaas ayaa loo qorsheeyey iney laayaan saraakiisha ku suganaa hoolka lag cunteeyo, halka kan 3-aadna loo qorsheeyey inuu iyaga difaac u noqdo.
Warbixinta laga sii daayey Radio Andalus ayaa lagu sheegay in qorshuhu ahaa in marka ay laayaan dadka hoolka cuntada joogay ay u jiheystaan kaalinta Shidaalka si loo holciyo.
Raggan ayaa wareysiyo siiyey Radio-ga Alshabaab iyagoo howlgalka ku jira, waxaana waxyaabaha ay sheegeen ka mid ah iney dileen nin ugu yeeray iney soo gaalaan baar goobta ku yaallay.
Sidoo kale, waxey wareysiga ku sheegeen iney bam la dhacen kaalin shidaal oo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen meel ku dhow xafiiska Taliska AMISOM.
Raggaas oo heystay qeyb ka mid ah xerada AMISOM ku dhawaad 20 saacadood ayaa waxaa subaxdii jimcaha soo afjaray ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya, qeybta loo yaqaano Gaashaan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.