Alshabaab oo saaka la wareegay deegaanka Fiidow ee gobolka Sh/dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo saaka la wareegay deegaanka Fiidow ee gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee saldhig ku lahaa deegaanka Fiidow ay xalay isaga baxeen iyadoo saaka halkaa ay  la wareegeen ururka Alshabaab.

 

Ciidamada AMISOM ee hore u degenaa deegaanka Fiidow ayaa dib ugaga soo baxay deegaankaas iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay ciidamada AMISOM ugaga soo baxeen.

 

Wararka waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ay bilaabeen in ay baaraan guryaha ku yaal deegaana Fiidow, waxayna dadka qaarkii bilaabeen inay ka soo tagaan deegaankaa iyagoo ka cabsi qaba in ururka Alshabaab uu waxyeelo u geysto.

 

Ciidamada AMISOM ayaa  la sheegay in ay soo degeen deegaanka Buurane iyagoo saldhig ka sameystay, waxayna wararka qaarkood ay sheegayaan in sababta ay dib ugaga soo baxaan deegaanka Fiidow inay tahay fatahaado ka dhacay deegaankas kaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka mara wadada laamiga ah.

 

Gawaari faro badan ayaa ku xayiran wadada isku xirta degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan maadaama ay fatahaadu saameeysay.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo maamulka degmada Mahaday ee ku saabsan ka soo bixitaanka ciidamada AMISOM ee deegaanka Fiidow.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!