Alshabaab oo raba iney xayiraad saaraan degmada Buulo-burte

Read Time:41 Second

Buulo-burte – Mareeg.com: Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay gaadiidka rakaabka ee isaga kala goosha degmooyinka Beledweyne iyo Buulo-burte.

Shabaab ayaa arrintan ku macneeyay inay cuno-qabateynayaan degmada Buulo-burte oo dhowaan ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay la wareegeen.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in shalay Alshabaab wadadaas ka celiyeen dhor gaadiid rakaab ah, kuwaas oo ka soo kicitimay Beledweyne kuna sii jeeday Buulo-burte.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka Halgan oo ka gaabsaday magacooda sababo amni dartood ayaa sheegay in arrinta ay caqabad ku tahay ganacsigooda iyo isku socodka shacabka.

Alshabaab ayaa horay xayiraad xaga socdaalka u saaray degmooyin laga qabsaday sdia Xudur iyo Ceelbuur.

Degmada Buulo-burte waxaa gacanta ku haya ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo ciidamada Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.