Alshabaab oo saddex qof ku toogtay degmada Baraawe ee Shabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo saddex qof ku toogtay degmada Baraawe ee Shabeellaha Hoose

Baraawe – Mareeg.com: Ururka al-Shabaab ayaa dil toogasho ku fuliyey saddex nin oo ay ku eedeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka.

Toogashada ayaa shalay oo jimce ahayd ka dhacday degmo xeebeedka Baraawe, waxaana kasoo qaybgalay Saraakiisha Ururka iyo dadweyne la iskusoo uruuriyey.

Saddexda qof la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xassan Cali oo 28-sano jir ah, Maxamuud Faarax Sabriye oo 47-sano jir ahaa iyo Cabdi Najiib Shire Barre, sida laga soo xigtay saraakiisha Ururka.

Fagaaraha raggan lagu toogtay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan, waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku goodiyay inay sharciga marsiin doonaan cid kasta oo ay ku helaan falal jawaasiisnimo.
Qaadiga Maxkamada Shabaab ayaa sheegay in ragan qaarkood ay muddo bilooyin la shaqeynayeen hey’adda Nabadsugida, isla markaana ay qirteen dambigooda, sida uu yiri.

Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Hoose, Abuu Cabdala ayaa sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan dadka uu sheegay inay u jaajuusayaan sirdoonada reer galbeedka.

“Qofkii lagu helo, isagoo u basaasaya cadawga iyo sirdoonaa gacan bir ayaa lagu qabanayaa, waana sii wadeynaa goynta kansarka muslimiinta ku dhex jira”ayuu yiri Abuu Cabdala.

Ma aha markii ugu horreysay ee Alshabaab dad lagu eedeeyey basaasnimo ku toogtaan degmada Baraawe, taasoo ah degmada ugu muhiimsan ee ka tirsan Shabeellaha Hoose ee ku hartay gacanta Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!