Alshabaab oo qalabkooda ka gurtay Baraawe (Maxey dadka u sheegeen?)

Read Time:56 Second

Mareeg.com: Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galab oo Jimco aheyd bilowday iney isaga baxdo magaalada xeebta leh ee Baraawe oo ah saldhiga ugu weyn ee Alshabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellah Hoose, islamarkaana ay deganaayeen inta badan madaxd Alshabaab.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay inay arkeen dagaalyahannada Alshabaab oo saaran gaadiidka dagaalka oo ka sii baxaya magaalada, islamarkaana sidoo kale wata gaadiid qalab sida.

Al-Shabaab ayaa u sheegay dadka magaalada Baraawe inay saldhigyo ka sameysaneyso dibadda magaalada si ay uga hor-tagto in lagu dul dagaallamo dadka rayid ah.

Madaxda Al-Shabaab iyo qoysaskooda ayaa la sheegay inay ka mid yihiin xubnaha ka baxaya magaalada. Baraawe ayaa qiyaastii 200 KM dhanka koofureed kaga began Muqdisho.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa wax ka yar 20km u jira magaalada, taas ayaana keentay in Alshabaab ka baxaan.

Kolonyo ciidamo ku hubeysan hubka culus oo ay ku jiraan taangiyo ayaa shalay ka dhaqaaqay deegaanka Maringubaay, kuwaasoo ku wajahan Baraawe.

Ciidamo faro badan oo wata tikniko kana mid ah Alshabaab ayaa gaaray halka loo yaqaano Ambareeso iyagoo halkaa difaacyo ka dhigtay, sida dadka deegaanku sheegayaan.

Mareeg Mediaa

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.