Alshabaab oo nin ku toogtay magaalada Galhareeri ee Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo nin ku toogtay magaalada Galhareeri ee Galgaduud

Mareeg.com: Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ku toogtay nin ay ku tilmaameen basaas u shaqeeya ciidamada Itoobiya.

Cali Salaad Majin oo 20-jir ayaa waxaa xukunkiisa ridday maxkamad deegaanka ah, taasoo sheegtay inuu qirtay inuu la shaqeynayay ciidanka Itoobiya.

Qaadiga Maxkamada oo boqolaal qof la hdalay ayaa ku dooday in Cali Salaad uu dad badan oo Muslimiin ah gacanta u geliyay Ciidamada Itoobiya.

“Wuxuu qirtay Cali Salaad inuu isaga mas’uul ka ahaa dad badan oo Muslimiin ah oo ciidamada Itoobiya ku sugan Ceelbuur inuu u gacan geliyay” ayuu yiri Qaadigii Maxkamada Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa horay koonfurta Soomaaliya ugu toogtay dad farabadan, kuwaasoo ay ku eedeeynee basaasnimo, waxaana haataan muuqata in dadka loo tooganayo basaasnimad ay kusoo biireen gobolada dhexe.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!