Alshabaab oo nin ku toogtay gobolka Shabeellaha Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo nin ku toogtay gobolka Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Alshabaab ayaa nin dhalinyaro ah ku toogtay deegaanka Biya Cadde ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo ninkaas ku eedeeyey inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ninka Alshabaab toogashada ku fuliyeen ayaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Max’ed Xasan oo 30 sano jir ah kaasi oo muddo sedax sana ah kamid ahaa DF-ka, sida Alshabaab sheegeen.

Nin u hadlay Alshabaab oo dadka la hadlay ayaa sheegay in Da’uud uu qirtay inuu muddo 3 sano ah ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, uuna si dhuumaaleysi ah ku yimid deegaanka Biyo Cadde.

Ma aha markii ugu horreysay ee Alshabaab toogasho ku fuliyaan dad ay ku eedeeyeen iney u shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, hase ahaatee toogashada nuucaan ah ayaan ku badneyn Shabeellaha Dhexe.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!