Muqdisho, Mareeg.com: Al-shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan ka mamnuucay Mobile-da dhugta leh ee ay ka mid yihiin nuucyada IPHONE, Samsung Galaxy, iyo Black bury.
Degmooyinka sida weyn ay Alshabaab ugu xoogan yihiin eek ala ah: Ceelbuur, oo Galgaduud ah, Buulo Barde oo Hiiraan iyo Baraawe oo Shabeellaha Hoose ah ayaa la sheegay in laga mamnuucay in lagu adeegsado Mobiled-daas, iyadoo madaxda Alshabaab shaki ka qabaan in loo adeegsado arrimo basaas.
Sida ay sheegayaan warar deegaanka ah, dadka wata Mobile-da nuucaas ah ayaa laga qaadayaa, waxaana lagu wargelinayaa in isticmaalkoodu mamnuuc yahay.
Mobile-lada casriga ayaa leh adeeg lagu magacaabo GBRS oo ah aalad lagu ogaado qofka halka uu joogo iyo khariirad qofka u sahleysa inuu ku kala garto deegaanka uu ku sugan yahay iyo halka uu rabo.
Wixii ka dambeeyay weerarkii ay ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ay ku qaadeen guri ku yaalla xeebta Baraawe ayay Alshabaab bilaabeen foojignaan dheeraad ah, iyagoo xitaa mamnuucay daawashada TV-yada.
Mareeg.com