Alshabaab oo madaafiic ku riday xaafado ku dhow Villa Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo madaafiic ku riday xaafado ku dhow Villa Somalia

Mareeg.com: Dhowr hoobiye ayaa maanta xilligii dukurka ku dhacay qeybo ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Mqudisho.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa laba ruux ay ku geeriyooday, afar ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaal maanta duhurkii ku dhacay xarunta Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir iyo xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.

Hoobiyeyaashan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa labada qof ee ay dileen waxaa mid ka mid ah ay ahayd haweeney, iyadoo dadkii dhaawacyadu soo gaareenna loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii maanta lagu qaaday magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in dhowr gantaal lagu garaacay gudaha xarunta madaxtooyada Villa Somalia, sida hadalka loo dhigay.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sii deysay ilaa 10 hoobiye ay ku rideen madaxtooyada Soomaaliya. Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee nuucaan Alshabaab Muqdisho ka geystaan sanadka cusub ee 2016-ka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More