Alshabaab oo laga qabsaday deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 30 Second

Mareeg.com: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kan nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa la wareegay deeganada Fiidow iyo Dhiin-garas oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay ka dhaqaaqeen degmada Mahadaay.

Deegaanka Fiidoow oo qiyaastii 63-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Abaanduulaha ciidamada, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi.

Abaanduulaha ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

“Waan ku raad-joognaa Al-shabaab qorshaheenuna waa inaan uga daba-galno meel walba oo ay galaan, waayo awooddoodii ayaa hoos u dhacday, meel walba oo ay ciidamadu wajahaanna way ka cararayaan,” ayuu yiri Jen. Khaliif.

Sidoo kale, abaanduulaha ciidamad xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay isugu furi lahaayeen gobollada dalka oo dhan, ayna Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ku sugan.

“Ciidamada dowladda sida iyo kuwa AMISOM sida lala socdo waxay maanta qabsadeen degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada Hoose, waana qayb ka mid ah howlgal-keenna qabsashada degmadaas,” ayuu hadalkiisa ku daray abaanduulaha xoogga dalka.

Abaanduulaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in howlgalka ay ugu Bad-weynta Hidiya ay ugu magac-dareen uu socon doono tan iyo inta ay taako ka mid ah Soomaaliya ka saarayaan Al-shabaab.

“Waxaa ka mid ah qorshaheenna in kooxdan aan xitaa ka saarno meelaha miyiga ah oo ay ku dhuuntaan marka magaalooyinka laga qabsado, mana dhici doonto inay mar dambe halkaas kasoo abaabulaan weerarrada ay ku dhibaateynayaan shacabkeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhawaan ayaa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku dhawaaqeen howlgal milateri oo loogu magaca daray Badweynta Hindiya, kaasoo la sheegay in Alshabaab looga saarayo magaalooyinka ay maamulaan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.