Alshabaab oo labo qof ku toogtay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan

Read Time:30 Second

Mareeg.com: Alshabaab ayaa maanta labo qof oo kale ku toogtay deegaanka Buq-aqable ee ka tirsan gobolka Hiiraan.

Labada qof ee la dilay ayaa Alshabaab ku eedeeyeen iney u shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo ciidamada dalalka Afrika ka socda ee jooga dalka.

Waxey sheegeen Alshabaab in labada qof ee ay dileen mid ka mid ah ka tirsanaa ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya, halka kan kalana lagu eedeeyey inuu si hoose ciidan ugu qorayey dowladda Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Alshabaab 4 nin ku toogteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney basaasayeen dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo Itoobiya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.