
Mareeg.com: Alshabaab ayaa shalay 2 ruux ku toogtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyagoo ku eedeeyey iney ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Maxkamad Alshabaab leeyihiin ayaa xukun dil ah ku ridday labadaas nin oo mid ka mid ah la sheegay in laga soo qabtay tuulda Buulo Xaawo oo ka tirsan Baay iyo Bakool, halka qofka kale laha qabtay degmada Tayeegloow.
Fagaara kuyaal magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa lagu toogtay labadaas qof oo Alshabaab sheegtay in lagu helay in ay la shaqeynayeen DF-ka iyo ciidamada Itoobiya.
Alshabaab ayaa maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, taasoo xigta jihada gobolkaas xadka kala wadaago gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareeg Media