Alshabaab Oo Ku Hanjabay Iney U Aarayaan Nin Ay Gaari Ku Dileen Ciidmada Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab Oo Ku Hanjabay Iney U Aarayaan Nin Ay Gaari Ku Dileen Ciidmada Amisom

Muqdisho – Mareeg.com: Sarkaalka Alshabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen ayaa ku hanjabay iney aari doonaan nin taksiile ah oo shalay gaari ay wateen ciidamada AMISOM uu ku jiiray agagaarka Taree BIyaano ee magaalada Muqdisho.

Cali Maxamed Xuseen ayaa xusay in falkii shalay ciidamada AMISOM ka sameeyeen Muqdisho uu tusinayo in ciidamada Afrikaanka ay hagardaamo ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Nni maskiin ah oo wadada marayay inay gaarigooda tawga dar dar siiyaan, oo uu halkaas ku dhintay waxay muujineysaa in aanay kala soocin midka dagalamaya iyo kan aan dagaalameyn” ayuu yiri Cali Maxamed Xuseen.

Wuxuu ku hanjabay Cali Maxamed Xuseen iney aar doonaan ninka ay ciidamada AMISOM gaariga ku diuleen ee ay weliba ka tageen.

“Anaga waa aar-gudi doonaa, Alle ayaa inoo fududeyn doono, dadka Muqdishina hubka ha qaataano” ayuu sidoo kale yiri Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir.

Shalay ayay aheyd markii gaari ay wateen ciidamada AMISOM uu wadada Maka Almukarrama ku jiiray nin Taksiile ah, islamarkaana isaga dhaqaaqay.

Madaxda AMISOM, danjire MOhaed Sallah Annadif ayaa ka tacisyeey dhimashada muwaadinkaas uu jiiray gaari ciidamadoodu leeyihiin.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!