Alshabaab oo ku gowracay saddex dhalinyaro ah deegaanka Yiblane * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo ku gowracay saddex dhalinyaro ah deegaanka Yiblane

Wararka ka imaanaya deegaanka Yiblane oo ku yaal xadka kala qeybiya labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Al shabaab ay seddax ruux oo dhalinyara ah ku gowraceen deegaanka Yiblane oo ku yaal galbeedka deegaanka fiidoow ee gobolka shabeellaha dhexe .

Ururka Alshabaab ayaa ku tilmaamay saddexdan nine e dhalinyarada ah in ay ka tirsanaayeen ciidamada Milatariga ee dowlada ayna falal dhac iyo kufsi ah ku hayeen dadka ku safra wadooyinka isku xira Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Hase yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegay in dhalinyaradan la dilay aysan wax  lug ah  ku lahayn dowladda ayna ahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Ururka Alshabaab ayaa hore waxa ay uga fuliyeen deegaano kamid ah gobolada dalka falal qoorgoyn ah iyadoo deegaanada laga fuliyo falalkaasina ay badankood yihiin kuwo ay ururka Alshabaab gacanta ku hayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.