Alshabaab oo Kenyan kale ku laayey gobolka xeebta

Mpeketoni – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dhulka xeebta ee xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Alshabaab halkaas xalay ka geysteen weerar kale oo lagu dilay dad badan oo Kenyan ah.

Sida lagu baahiyey baraha taageera Alshabaab, waxaa dagaalyahano ka tirsan ururkaas weerar kale ku qaadeen meel ka mid ah duleedka magaalada yar ee Mpeketoni oo habeen hore Alshabaab ku dileen 48.

Warbaahinta Alshabaab ayaa laga baahiyey ine weerarka cusub lagu dilay ku dhawaad 20 qof oo qaar kamid ah ay yihiin askar booliska ka tirsan.

Sarkaal katirsan Al Shabaab oo aan magaciisa la sheegin ayaa Idaacad Alshabaab ku leeyihiin Baraawe oo lagu magacaabo Al-andalus u sheegay in weerarkaas lagu dilay qaar ka mid dadka ciidanka Kenya ee qaabilsan ilaalinta dhulka keymaha  iyo duur joogta.

Ciidamada Kenya ayaa shalay sheegay iney ku guda jiraan howlgal gaar ah oo lagu raadinayo raggii habeen hore dadka ku laayey magaalada Mpeketoni, hase ahaatee Alshabaab ayaa xalay mar kale geystay weerar lagu dilay dad Kenyan ah.

War ay deysay BBC qeybta afka Carabiga ayaa lagu sheegay in dadka Alshabaab ku dileen weerarkii xalay ay gaarayaan ilaa 8 ruux, hase ahaatee Alshabaab ay leh “Waxaan dilnay ilaa 20”.

Mareeg Meida

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245