Alshabaab oo ka khudbeeyey Masaajid ku taalla gudaha Kenya

Mareeg.com: Sida uu qoray wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya, rag aad u hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa habeenkii salaasada gudaha u galaya labo tuulo oo ka trsan degmada Ijaara oo ka tirsan county-ga Gaarisa.

Kooxdan hubeysan ayaa tegay labo masjid ku yaallada xaafad deegaaneedyada Tumtish iyo Kabasalo oo ka tirsan Ijaara, waxeyna dadkii ku sugnaa ku amreen iney dhageystaan muxaadaro ka dhan ah dowladda Kenya iyo madaxda amaanka dalkaas.

Sida wargeysku xusay, ragga Alshabaab-ka ah ayaa muddo 2 sacadood ah jeedinayey khudbado ka dhan ah dowladda Kenya, waxeyna markii dambe galeen keymo ku dhow magaaladaas.

Ragga Shabaabka ahaa ee kkudbado ka jeediyey xaafadaha Tumtish iyo Kabasalo, waxeyna dadka u aqriyeen magacyada dhowr qof oo ay ku sheegeen jawaasiis.

Sarkaal ka tirsan laamaha amaanka Kenya oo lagu magacaabo, Caleb Matoke  ayaa u sheegay The Standard in macluumaad sirdoon oo ay heleen ay muujinayaan in kooxda Shabaabka ah uu hogaaminayey nin la raadinayo oo lagu magacaabo, Mohamed Bilal.

Sida uu sheegay Matoke, ragga Shabaabka ah ee dadka u khudbeeyey ayaa gaarayey 25, kuwaasoo sida uu yiri uu soo diray hogaamiye sare oo Alshabaab ah oo lagu magacaabo  [Mohamed Kuno] oo sidoo kale loo yaqaano Gacmadheere ama Dul-yadeyn.

Kenya ayaa ninkaas ku raadineysa lacag dhan Sh20 million oo ah lacagta Shilinka Kenya, waxaana la ogyahay in ninkaasi ku sugan yahay gobolka Jubbada Hoose, balse uu asal ahaan kasoo jeedo gobolka Woqooyi Bari Kenya oo macallin ka ahaan jiray.

Tuulada Kabasalo ayaa 10KM u jirta saldhig milateriga Kenya leeyihiin oo lagu magacaabo, Hulugho, iyadoo tuulada Tumtish ay 8KM u jirto saldhig kale oo lagu magacaabo, Sangailu.

Dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ayaa dhawaanahan kusoo badanayey gudaha dalka Kenya, oo weerarro ka geystaan gaar ahaan gobolka Woqooyi Bari oo Soomaalidu ku badan tahay iyo gobolka Xeebta oo ay ku badan yihiin dadka kale ee Muslimiinta ah.

Mareeg Media