Alshabaab oo iska fogeeyey warqado hanjabaad ah oo welwel ku abuuray shacabka Suuqa Xoolaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo iska fogeeyey warqado hanjabaad ah oo welwel ku abuuray shacabka Suuqa Xoolaha

Muqdisho – Mareeg.com: Sarkaalka Alshabaab u qaabilsan gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa beeniyey in Alshabaab ka dambeeyaan waqado hanjabaad oo dhawaan lagu daadiyey xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Warqadahan waxaa ku qornaa sida dad badan oo arkay sheegeen inaan waxba laga iibin karin ciidamada dowladda iyadoo dil iyo gowrac loogu hanjabay qofkii wax ka iibiya askarta dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, waraqadaha qaar lagu qoray in Suuqa Xooluhu yahay goob dagaal, taasoo keentay in dadka qaar bilaabaan iney ka barakacaan halkaas.

Waxaa sidoo kale, ganacasatada Suuqa Xoolaha qaarkood laga wacay teleefoono, iyadoo loo sheegay in laga rabo lacago la yiri Mujaahidiinta ayaa la siinayaa.

Cali Jabal ayaa arrimahaan oo dhan iska fogeeyey, wuxuuna xusay ineysan ku kaceyn falalka nuucaas ah, isagoo tilmaamay in falalkaasi yihiin kuwa lagu doonayo in la isaga horkeedno Alshabaab iyo shacabka.

“Warqadaha Muqdisho lagu daadiyey warkooda aad ayaan u heynaa, taasina waxey ku tusineysaa gaaladu waxey ku fekarayaan ee Muslimiinta ku dhibayaan oo ay leeyihiin ganacsiga hala xiro, qolo kale kale leeyihiin hala guuro, qolo kale inta taleefoono loo diro leeyihiin lacago ayaa leydinka rabaa iyadoo Mujaahidiinta la iska dhigayo, arrintaas Mujaahidiintu wey ka hufan yihiin, mana dhaceyso in Mujaahidiintu Muslimiinta xoolahooda dhacaan, bal wey difaacayaan” ayauu yiri Cali Jabal oo la hadlay Radio taageera Alshabaab oo ku yaalla degmada Baraawe.

Wuxuu Cali Jabal daadinta warqadahaas ku eeddyey ciidamada nabadsugidda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika, wuxuuna ku celceliyey iney iyagu beri ka yihiin warqadahaas.

Warqadaha lagu daadiyey Suuqa Xoolaha ayaa digniin culus loogu diray dadka ganacsiga ku leh Suuqa Xoolaha iyo dumarka shaaha iibiya oo loogu goodiyey in la dilayo haddii ay wax ka iibiyaan askarta dowladda Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!