Alshabaab oo hoos u dhigay muhiimadda sarkaal Xakariye Ismaaciil oo ka goostay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo hoos u dhigay muhiimadda sarkaal Xakariye Ismaaciil oo ka goostay

Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ayaa hoos u dhigtay muhiimadda sarkaal sare oo ka goostay, kaasoo lagu magacaabo Xakariye Ismaaciil, shalayna isu dhiibay kadib howlgal dhacay ciidamada Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ma jiro weli war rasmi ah oo Alshabaab kasoo saareen baxsashada Xakariye oo Mareykanku madaxiisa ku raadinayey ilaa $3 Milyan dollar, hase ahaatee warbaahinta ururkaas ayaa ka hadashay Zakariye.

Warka lagu qoray bogaga Alshabaab ayaa lagu sheegay in Zakariye ka baxay safkood ka hor 19 bilood, kuna biiray waxa loogu yeeray cadow.

Zakariye ismaaciil oo “Zaki” ku magac dheer ayaa sidoo kale Alshabaab sheegeen inuu xarakada ka tirsanaa muddo sanada ah.

Ninkaan la qabtay ayaa waxaa horay loo sheegi jiray inuu ahaa madaxa sirdoonka Alshabaab, waana sababta keentay in Mareykanku ku raadiyaan lacaga dhana $3 Milyan Dollar.

Zakariye ayaa la sheegay iney horay isugu dhaceen hogaamiyihii la dilay Alshabaab, Axmed Cabdi Godane, xilligaas wixii ka dambeeyana uu baxsada ka ahaa Alshabaab.

Sarkaalkan ka tirsanaa Alshabaab ayaa haatan lagu hayaa degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha haya sheegeen in sida laga yeelayo ay kala tashanayaan dowladda Soomaaliya iyo hogaanka ciidamada AMISOM ee gobolkaas ku sugan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!