Alshabaab oo u hanjabay Hoteelada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo u hanjabay Hoteelada Muqdisho

Mareeg.com: Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo ka hadlay weerarkii maalin ka hor ay Al-shabaab ku qaadeen Hoteel Maka Al-Mukarama ayaa mar kale u hanjabay hoteelada caanka ah ee Muqdisho.

Sheekh Cali Jabal ayaa ku hanjabay in xoogaggooda ay geysan doonaan weeraro ka dhan ah saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Milkiilayaasha hoteellada ku yaala Muqdisho ayuu hanjabaad cusub u dioray, isagoo uga digay inay ka feejignaadaan shakhsiyaad uu ku sheegay inay soo dirsatay dowladda federaalka oo ka howlga hoteellada.

“Way naga go’an tahay inaan weerarrada noocan oo kale ah sii wadno, waxaaa uga digaynaa milkiilayaasha hoteellada Muqdisho inay hoteelladooda ka kireeyaan xubnaha ka socda dowladda,” ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Hoteelada qaaliga ah ee Muqdisho oo ay degaan madaxda dowladda iyo dadka debadaha ka yimaada ayaa marar badan Alshabaab weerareen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!