Alshabaab oo gudoomiye tuulo iyo qoyskiisa ku dilay gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo gudoomiye tuulo iyo qoyskiisa ku dilay gobolka Gedo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Alshabaab ay tuulo hoos timaada degmada ku dileen guddoomiyaha tuulada iyo qoyskiisa.

Guddoomiyaha degmada Luuq, Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa sheegay in tuulada lagu dilay dadka ay magaalada u jirto dhowr iyo toban KM, isagoo xusay inay jiraan saddex qof oo kale oo falkaasi ku dhaawacantay oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka Luuq.

“Tuulada jid wareeg haddii la maro waxa ay magaalada u jirtaa dhowr iyo toban, laakiin haddi webiga laga gudbo todobo KM ayay noo jirtaa, waxa ay tacshiirad ku fureen guriga, halkaasi waxaa ku geeriyooday guddoomiyaha, xaaskiisa, hooyadiis iyo labo kale oo ka mid ah gabdhihiisa, runtii falkaasi aad ayaan uga xunahay” ayuu yiri Bishaar Aadan.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in ciidamada amniga loo diray halka uu falka ka dhacay, isagoo xusay inay baadi goob ugu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geystay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa howlgallo lagu baacsanayo ragii weerarkaas geystay ka bilaabay agaraarka tuulada dilku ka dhacay.

Ciidanka ammaanka ayaa howlgalka waxa ay ku soo qab qabteen in ka badan 20 qof oo ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.