Alshabaab oo gudaha degmada Wanlaweyn iyo xabado laga maqlayo gudaha magaalada

Read Time:44 Second

Wararka ka imanaya degmada Wanalaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ay soo weerareen magaalada haatana ay rasaas ka socoto.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada degmada Wanlaweyn iyadoo dad ku sugan magaalada Wanlaweyn ay sheegeen in ay maqlayaan rasaas ka dhacaysa saldhigga booliska degmada Wanlaweyn.

Hase yeeshee dadka qaar ayaa xaqiijiyay in ciidamada Alshabaab ay gudaha u soo galeen magaalada Wanlaweyn oo ah magaalo muhiim ah oo magaalada Muqdisho u jirta 90km ayna gacanta ku hayaan inta badan magaalada Wanlaweyn.

Ciidamadii ku sugnaa magaalada ayaa la sheegay in intooda badan ay isaga baxeen ayna galeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo ku yaal duleedka degmada Wanlaweyn.

Lama oga illaa iyo hadda in wax khasaare ah ay ka dhasheen iska horimaad ku dhex maray gudaha magaalada Wanalweyn ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %