Alshabaab oo gubay raashin dhuumaaleysi lagu geyn rabay Buurdhuubo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Alshabaab oo gubay raashin dhuumaaleysi lagu geyn rabay Buurdhuubo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay gubeen raashin saarnaa ilaa 20 Gaari dameer oo la doonayay in la galiyo Buurdhuubo, halkaasoo Alshabaab go’doon saartay kadib markii lagala wareegay dhowr bilood ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen  Ilaa 20 Gaari Dameer oo lagu waday raashin islamarkaana la doonayay in Buurdhuubo.

Alshabaab ayaa la sheegay iney meel fagaare ah ku gubeen raashinkaasi islamarkaana ay dameeradii siday duurka ku fasaxeen.

Magaalooyinka Alshababaab go’doomiyeen sida, Buulo Barde, Buurdhuubo, Waajid iyo kuwa kale ayaa si dhuumaaleysi ah raashin lagu gaarsiiyaa gaari dameero.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!